702 Views

Hay’adda socdaalka aduunka IOM oo sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka

Hay’adda socdaalka aduunka  IOM oo sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka
____________________________________________________________________________

Axad: November 21, 2021

Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa sheegtay in 75 tahriibayaal ah ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka ee waqooyiga Liibiya horraantii toddobaadkan xilli ay doonayeen inay gaaraan Talyaaniga.

Ururka caalamiga ah ee socdaalka ayaa ku sheegay masiibadii ugu dambaysay bartooda twitter-ka Sabtidii, iyagoo xogtan ku sheegay in 15 qof oo dadkaas la socday ay soo badbaadiyeen kalluumaysato, isla markaana la keenay dekedda Zuwara ee waqooyi-galbeed ee Liibiya.

Qaramada Midoobay ma aysan bixin macluumaad dheeri ah oo la xiriira musiibadan.

Sidoo kale Sabtidii, Ilaalada Xeebaha Talyaanigu waxay soo badbaadiyeen in ka badan 420 tahriibayaal ah, oo ay ku jiraan tobannaan carruur ah, oo saarnaa doonyo dhibaato badan kala kulmay Badda Mediterranean-ka.

War kasoo baxay ilaalada xeebaha ayaa sidoo kale lagu sheegay in 70 qof oo kale ay si nabad ah ku keentay mid ka mid ah doomihii ay wateen jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, ee koonfurta Sicily.

Sanad kasta, kumanaan muhaajiriin ah iyo qaxooti ka yimid Afrika, Bariga Dhexe iyo Koonfurta Aasiya ayaa isku daya inay ka gudbaan halista badda Mediterranean-ka, iyaga oo raacaya doonyo buux-dhaafay oo aan ku habbooneyn in lagu safro.

In ka badan 1,300 oo rag, dumar iyo carruur ah ayaa ku dhintay illaa hadda sanadkan 2021, iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan bartamaha Mediterranean-ka Liibiya iyo Tunisia, kuna sii jeeda Talyaaniga iyo Malta sida ay sheegtay hey’adda IOM.

AP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post