798 Views

Beesha Caalamka oo faragelisay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Beesha Caalamka oo faragelisay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 30, 2020 –Xubnaha Beesha Caalamka oo bilaabay inay fargeliyaan Arrimaah la xiriira doorashooyinka Soomaaliya oo weli uu muran ka taagan yahay, kaddib markii musharxiiinta qaar ee Madaxweynaha Soomaaliya ay kasoo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ay magacaawday dowladda Soomaaliya.

Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa waxaa ay kulan dhinaca Internet-ka ah la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kuxigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed & Xubno kale oo ka tirsan Dowladda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo la xiriira doorashooyinka dalka, iyaga oo sidoo kale oo dhaweeyay safarkii la xiriira doorashooyinka socda ee uu dhawaan ku tegay Ra’iisul Wasaare Rooble Magaalada Baydhabo, isla markaana uu kula kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“ Qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee lala yeelanayo hoggaamiyeyaasha iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, ayey Qaramada Midoobay iyo xubno ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya kulan la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kala hadlay doorashooyinka soo socda, waxayna soo dhoweeyeen safaradiisa qorshaysan ee uu kula kulmayo hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, oo uu ku bilaabay booqasho uu dhowaan ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale Xubnaha Beesha Caalamka ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan Madaxda dowlad goboleedyada, waxaana shalay Garoowe tegay wafdi uu hoggaaminayay Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, iyaga oo la kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post