2091 Views

Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salmaan ku dhaawacmay weerarkii Riyaadh?

Maxaa ka jira in Maxamed Bin Salmaan ku dhaawacmay weerarkii Riyaadh?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2018 – Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan halka uu ku dambeeyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,kaas oo muddo ka badan bil aan lagu arag fagaaraha sida uu caanka ku ahaa.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maxamed Bin Salmaan uu dhaawac yahay kuna dhaawacmay weerar lagu qaaday Madaxtooyada Sucuudiga 21kii Bishii April ee Sanadkan.

Maxamed Al Mas’ari oo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga  Islamic Revival Party ee Sucuudiga ayaa u sheegay TV-ga al-Mayadeen  ee laga leeyahay Lebonan, in Bin Salmaan uu dhaawac soo gaaray habeenkaas islamarkaana uu ku jiro Isbitaal Milatari oo duleedka Riyaadh ku yaalla.

Maxamed ayaa sheegay in xogtaas uu ka helay qof ka mid ah xubnaha Boqortooyada Sucuudiga,kaas oo sheegay in Bin Salmaan uu weerar 30 daqiiqo socday oo loo heystay Afgambi uu ku dhaawacmay.

Warbaahinta Carabta iyo Baraha bulshada ayaa aad u hadal hayay bishan oo dhan halka uu qabtay Bin Salmaan,warar soo baxaya waxaa ay sheegayaan in dhaxal sugaha uu hadda soo kabanayo islamarkaana uu doonayo dhawaan in uu ka soo muuqdo warbaahinta si uu u dafiro wararka sheegaya dhaawaciisa iyo in uu afgambi damacsanaa.

Ma jiro ilo ka madaxbanaan TV-ga al-Mayadeen  oo xaqiijinaya xaaladda rasmiga ah ee uu ku suganyahay Maxamed Bin Salmaan.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment