756 Views

Milatariga Ethiopia oo wada Gulufkii ugu danbeeyay oo ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray

Milatariga Ethiopia oo wada Gulufkii   ugu danbeeyay oo ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray
____________________________________________________________________________

Milatariga Ethiopia ayaa qorsheynaya in ay taangiyo u adeegsadaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray ee woqooyiga dalkaasi, waxayna uga digayaan dadka shacabka ah in ay sidoo kale madaafiic u adeegsan doonaan magaalada, sida ay Axadda maanta ah ku warantay warbaahinta dowladda.

“Qeybaha xiga ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee hawlgalka, oo ah in la hareereeyo Mekelle iyada oo la adeegsanayo taangiyada, si loo dhammeeyo dagaalka aagga buuraleyda ah looguna sii gudbo aagagga difaaca,” ayuu Colonel Dejene Tsegaye oo ah Afhayeenka militariga u sheegay warbaahinta dowladdu leedahay ee EBC.

Macluumaadka ku saabsan dagaalka ayaa ah mid si aad ah u xadidan, iyadoo sheegashooyinka dhinacyada oo dhan ay adag tahay in la xaqiijiyo sababtoo ah xiriirkii taleefannada iyo internet-ka ee gobolka ayaa go’an tan iyo markii ay colaaddu bilaabatay.

Labada dhinacba waxa ay sheegeen in ciidamada federaalku ay qabsadeen Adigrat, oo 116 km dhanka waqooyiga ka xigta Mekelle.

Dejene ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee magaalada Mekelle oo ay ku nool yihiin nus malyan qof ay tahay in ay ka feejignaadaan halista.

“Illaa iyo iminka, waxa aan kaliya weerareynay bartilmaameedyada jabhadda saldhigyada u ah, laakiin marka laga hadlayo Mekelle way ka duwanaan kartaa taas,” ayuu yiri.

Ciidamada TPLF ayaan ka jawaabin hadalkan ka soo yeeray militariga Ethiopia.

REUTERS

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post