756 Views

Aas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ee Muqdisho

Aas wadareed loo sameeyey dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Waxaa maanta Qabuuro ku yaalla Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho Aas wadareed loogu sameeyay 8 dhalinyaro ah oo xalay ku geeriyooday Qarax xoogan oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan meel u dhow Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah ayaa waxaa fuliyay qof da’ ah oo watay khamiis iskuna soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ah, isla markaana uu gudaha u galay Maqaayad Gelato Divino oo ah goob lagu iibiyo Mac-macaan oo ay daka fadhiistaan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa inta badan maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana waxyeelada inta badan ay soo gaartay dad u badan dhalinyaro oo ku Caweynayay Maqaaxida Gelato Divino.

Sidoo kale 8 dhalinyrao ah oo siwey loo yaqaanay ayaa ku naf-waayay qaraxas, halka dad ku dhow 8 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, kuwaasi oo la geeyay xarumo Caafimaad oo ku yaalla Caasimadda dalka, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post