558 Views

Magaalooyinka dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay Addis Ababa waxaa soo wajahday shidaal la’aan baahsan

Magaalooyinka dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay Addis Ababa waxaa soo wajahday shidaal la’aan baahsan
____________________________________________________________________________


Isniin:July 4, 2022

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay caasimadda Addis Ababa waxaa soo wajahday shidaal la’aan baahsan kaddib marki ay dowladdu sheegtay iney la noqoneyso lacagihii ay shidaalka ku kabeysay.

Qorshaha ay dowladda kula noqoneyso lacagihi ay shidaalka ku kabeysay oo dhowr waji ka kooban wajigii ugu horreeyey wuxuu dhaqan galayaa dabayaaqada toddobaadkan.

Gaadiid Safaf dhaadheer ugu jira si ay shidaal u helaan ayaa lagu arkayaa magaalooyinka waaweyn.

Dowladda Itoobiya ayaa qiimaha shidaalka lagu iibiyo muddo dheer kabeysay balse hadda waxay dowladda u muuqataa iney arrinkaa ka laabatay.

Lemmeesaa Tulu oo ka tirsan wakaaladda shidalka iyo tamarta Itoobya wuxuu sheegay bilihii May iyo June iney shidaalka dalka dowladda ku kharash gareysay $268 malyan oo doolar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post