1023 Views

Cabsi laga qabo inay go’do wadada xiriirisa Muqdisho & Jowhar

Cabsi laga qabo inay go’do wadada xiriirisa Muqdisho & Jowhar
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-05-2020-Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay soo korotay cabsi laga qabo in fatahaadda wabiga Shabeelle uu Go’doomiyo isku socodka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Arrintaa ayaa loo sababaneynayaan kaddib markii biyaha wabiga Shabeelle ay si xowli ah usocdaan iyo sidoo kale roobka maalmahaan ka da’ayay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bulshada ku nool Shabeellaha Dhexe ayaa hadal haya sida xaalku noqonayo mar hadii fatahaaddu ay soo gaarsto wadada hal bowlaha u ah isku socodka Jowhar iyo Muqdisho oo hore dhibaatooyin kale dhanka Amniga ah ay ka jireen markii ay weeraro ka geysteen Al-Shabaab.

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa hore u gooyay isku socodka maalooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo hada dadka deegaanadaasi ay ku adagtahay inay isaga kala gooshaan.

Dhinaca kale maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ,kan Degmada Jowhar,madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay ka digayeen fatahaad uu wabiga Shabeelle ka geysto wadada isku xirta Jowhar iyo muqdisho maadaama uu hada uu kawado deegaanno ka akdhaw Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post