309 Views

Wararkii ugu danbeeyey baydhabo iyo tagista Midoowga Musharxiinta

Wararkii ugu danbeeyey baydhabo iyo tagista Midoowga Musharxiinta
____________________________________________________________________________

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka Dib u heshiisiinta ee la isugu keenayo siyaasiyiinta ku kala aragtida duwan sanadka dheeraadka ah u rabo in uu ku darsado Madaxweyne Laftagareen.

Madaxwenaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DG Koofur Galbeed & xubno kale.

Waxa uu kala hadlay sida looga mira-dhalin karo shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed si loo jiheeyo qaabka loo gaari karo wadahadal togan oo ay isku fahmi karaan dhinacyada ku kala aragtida duwan doorashada Dowlad-Goboleedkaas.

Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha DG Koofur Galbeed damacsan in ay u tartamaan oo ka maqan qaarkood Magaalada Baydhabo ayaa maanta tegaya Magaaladaas si ay uga qaybgalaan una soo bandhigaan waxyaabaha ay tabanayaan.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda XFS Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay in isaga iyo qaar kamid ah xubnaha ka maqan Magaalada Baydhabo ay maanta tegayaan kaddib markii la xaliyay tabasho uu u gudbiyay madaxda guddoomineysa shirka.

Saakay waxa aan ku talo jirnaa in aan u safarno Magaalada Baydhabo oo aan uga qaybgaleyno shirka dib u heshiisiinta, markii uu shirka ku baaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ahayd 19kii November 2022 waxaa tan iyo xiligaas socday diyaargarowga oo wax badan ka dhinnaa, waxyaabaha aan weli la xalin waxaa kamid ah saraakiil badan oo qalqalka magaalada la geliyay qayb ka ah oo xasuus ka geystay marka weli lama qaban, waxa ay taasi kamid ahayd shuruudda aan hordhignay” Maxamed Fargeeti, Musharrax u taagan xilka Madaxweynaha DG Koofur Galbeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post