237 Views

Madaxweynaha JFS oo kormeeray xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya

Madaxweynaha JFS oo kormeeray xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Ereteriya
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliy dhigiisa dalka Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerada ay tababarka ku qaadanayaan Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageystay Taliyeyaasha Ciidanka Badda ee tababarka u jooga Ereteriya iyo sida ay diyaarka ugu yihiin difaaca iyo xoreynta dalka.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada ayaa  ku bogaadiyey ciidankan dadaalka, aqoonta iyo kartida ay muujiyeen, inta ay tababarka ku jireen, waxa uuna u sheegay in ay yahiin tilmaamihii lagu yaqaanno Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Madaxwayna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqashada kaddib waxaa uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Ereteriy soo dhaweynta iyo qaabilaadda wanaagsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post