570 Views

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ansixiyay qaraar ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Somaliya

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo  ansixiyay qaraar ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Somaliya
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 22, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya AMISOM ay muddo saddex bilood ah dalka ku sii joogayaan, illaa 31-ka Maarso, 2022-ka.

Qaraarka tirsigiisu yahay 2614 oo ay si wada jir ah u ansixiyeen 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u ogolaanaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) in ay qaadaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, iyagoo si buuxda u ixtiraamaya madax-bannaanida, dhuleed, siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya. si uu u guto waajibaadkii loo igmaday.

 “Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanku kadib shirkii Talaada maanta.

“Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowladaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)” Ayaa la raaciyay bayaanka.

Dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelinta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, waxaana dhawaan la hirgaliyay guddi ka kooban dowladda Federalka iyo maamul gobolyeeyada, kaas oo qiimeyn ku sameynaya qorshahan.

AMISOM waxaa looga fadhiyaa in ay yareyso khatarta Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda si loo xasiliyo Soomaaliya.

AMISOM waxaa abuuray AU bishii Janaayo 2007. Waajibkeeda waxaa ansixyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post