549 Views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay isbadelka uu Cali Gudlaawe Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo soo dhaweeyay isbadelka uu Cali Gudlaawe Sameeyay
____________________________________________________________________________


Axad: March 20, 2022

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u hambalyeyay Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna faraya in dhamaan Guddiyada doorashooyinka ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Hirshabelle Axmed Xasan Diini ee xilka laga qaaday ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Gudiga, wuxuuna yiri “ Maamulka hirshabelle ayaa caqabad ku ah doorashada, faragalin toos ah ayayna ku hayaan”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post