1821 Views

Daacish oo ganacsatada Boosaaso ku amartay inay bixiyaan lacago badan

Daacish oo ganacsatada Boosaaso ku amartay inay bixiyaan lacago badan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Qaar ka mid ah Ganacsatada kunool Magaalada Boosaso ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Kooxda Daacish ay kusoo rogtay lacago badan in ay bixiyaan.

Qaar ka mid ah Ganacsatada ayaa sheegay Daacish ay ku amartay bixinta Lacagahaasi cidii diidana ay sheegtay in ay ka qaadi doonto tilaabo.

Lacagaha ayaa lagu soo rogay Ganacsatadda Iska leh Goobaha Ganacsiyadda Magaalada Boosaaso, Sidda, Dukuumadda, Bakaaradda, iyo Shirkaddaha.

Daacishta Soomaaliya xoogooda waxa ay ku sugan yihiin degaanada Maamulka Puntland, gaar ahaan Gobolka Bari iyaga oo ku dhuumaleysta dhulka Buuraha Silsilda Goolis.

Waxa ay sheegeen ganacsatada qaar inaysan awoodin bixinta qarashaadka badan ee ay soo dalbadeen Daacish, taasi oo joogto noqon doonta bil kasta, waxayna ka muujiyeen ganacsatada arrintaasi walaac.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment