3639 Views

Baarlamaanka oo su’aalo la xiriira amniga weydiinaya Wasiirka Amniga gudaha

Baarlamaanka oo su’aalo la xiriira amniga weydiinaya Wasiirka Amniga gudaha
____________________________________________________________________________

Muqdisho,5 March 2016: Xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kulan ay su’aalo la xiriira ammaanka ay ku weydiinayaan Xukuumadda, kaasi oo dabo socday labadii kulan ay Xildhibaannadu su’aalaha ku weydiinayeen Wasiirka Koowaad ee xukuumadda Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirka Amniga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhowraha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka maanta uu hor imaanayo Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, kaa oo ay su’aalo weydiinayaan qaar ka mid ah mudanayasha baarlamaanka.

“Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa uu daba socdaa su’aalo weydiinta xukuumadda ee dhanka ammaanka ee qabsoomay 2-3dii bishan, waxaana la filayaa in baarlamaanka uu horyimaado Wasiirka amniga gudaha, horeyna Ra’iisul wasaaraha ayaa su’aalo ku saabsan amniga uga jawaabay Xildhibaannada” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment