798 Views

Maxamed Xuseen Rooble “ Wixii ka dhacay Garoonka lama aqbali Karo waa in baaritaan Deg deg ah la Sameeyaa..

____________________________________________________________________________

April 22, 2021

Saacado kadib Markii Garoonka Muqdisho ay Xadgudub ka sameeyeen Ciidamo ka Tirsan NISA ayaa waxaa arintaas aad uga carooday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xlilgaarsiinta Rooble.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xlilgaarsiinta ayaa ku tilmaamay arintaas mid aan loo dul qaadan Karin waxa ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo gacmaha la iskula tagay..

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo faray Hay’adaha ku shaqada leh baaritan.

Warbaahinta Dowladda ayaa shaacisay in Rooble uu faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post