780 Views

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Raisal wasaar Rooble oo kulmaya goor dhaw

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Raisal wasaar Rooble oo kulmaya goor dhaw
____________________________________________________________________________


Sabti: September 11, 2021

Wararka ka imaanaya Villa Somaliya ayaa sheegaya in xaalada ay haatan dagan tahay, laguna wado in saacadaha soo soccda ay kulmaan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday  Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay u taagan yihiin dejinta xiisadda siyaasadeed, balse ilaa hadda ma cadda natiijada ay ka gaareen dhexdhexaadinta ay wadaan.

Khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka. Halka rooblana uu Wasiirka ammniga Qaranka ka dhigay C/llaahi Nuur.

Xassan Xundubeey Jimcaale oo xilkaas hayay waxaa lagu baddalay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo loo dhaariyay, waxaana isku sii shareeray qilaafka labada dhinac.

Sidoo kale Rooble ayaa waan waanta maanta ku xiray laba shuruud oo ah in uu Xilka Wareejiyo Fahad yaasiin oo xilka lagu Wareejiyo Bashiir Goobe iyo in uu Wasiirka ammniga Noqdo C/llaahi Nuur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post