732 Views

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay fariin u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay fariin  u diray Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

May 2-2021

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya shalay ku ansixiyee in dib loogu laabto heshiiskii 17 September.

“Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ayaa sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay dhamaan Saamilayda Siyaasadda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan u bilaabaan wada xaajoodyada iyo isla markaana ay heshiis is afgarad ah ka gaaraan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay oo aan dib u dhac dambe ku imaan.

Sidoo kale Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay is afgarad sal ballaaran oo loo gaaro xasilloonida dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post