957 Views

RW Kheyre oo wada-hadallo taleefonka ah la yeeshay Sergey Lavrov

RW Kheyre oo wada-hadallo taleefonka ah la yeeshay Sergey Lavrov
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 21 2020–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xalay wada-hadallo dhinaca qadka taleefonka ah waxaa uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibada Russia Sergey Lavrov.

 

RW Kheyre ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ka codsadey in gacan laga siiyo ladagaalanka Cudurka Corona Viruska oo gaaray 237 qof sida uu bogiisa Twwiter-ka ku daabacay RW Kheyre.

 

 

 

Waxaan wada-hadal muhiim ah la yeeshay Wasiirka Arimaha Dibadda Ruushka H.E Sergey Lavrov. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlay waxaa ka mid ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ku aadan dadaallada lagu xakameynayo Covid19 oo masiibada ayuu yiri”Kheyre.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa balan qaaday inuu soo dirayo qalab iyo dhaqaatir maalmaha soo socdo si ay Soomaaliya uga caawiya dagaalka lagula jiro Coronavirus iyo sidii looga hortegi lahaa faafi taankiisa.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment