822 Views

Wafdi uu hoggaaminaayo Qoorqoor oo gaaray Guriceel

Wafdi uu hoggaaminaayo Qoorqoor oo gaaray Guriceel
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 15 |  2020
—Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaamniyo ayaa galabta soo gaaray degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Maamulka iyo shacabka degmada ayaa si weyn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa magaalada Guriceel.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ka qeyb galay Munaasabad lagu daahfurayay Jaamacad cusub oo laga hirgeliyay magaalada Guriceel.

Madaxweyanaha oo xariga ka jaray Jaamacadda Ceynul-Hayat ayaa sheegay inay muhiimadda weyn u leedahay Horumarinta tacliinta sare ee Galmudug.

Safarka madaxweynaha ayay ku wehliyeen xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin kale.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post