225 Views

Dowlada Taliyaaniga oo hirgalisay Sharci ku Qasbaya Maraakiibta keenin Xeebaha Taliyaaniga.si looga hor tago Tahriibayaasha ku soo wajahan Yurub

Dowlada Taliyaaniga oo  hirgalisay Sharci ku Qasbaya Maraakiibta keenin Xeebaha Taliyaaniga.si looga hor tago Tahriibayaasha ku soo wajahan Yurub
____________________________________________________________________________

Arbaco: December 21, 2022

Dood xoogan ayaa ka taagan Doomaha Ama Maraakiibta garkaarka ee Bada Mediterranean kasoo badbaadiya Tahriibayaasha ku soo wajahan Yurub.

Khilaafka xoogiisa ayaa salka ku haya cida Qaabileysa Qaxootiga iyo in Taliyaaniga marka hore Sharuud la’an Aqbasho Qaxootigaasi.

Dowlada Taliyaaniga ayaa hada hirgalisay Sharci ku Qasbaya Maraakiibta ama Doomaha Gargaarka inaysan Si Dhaqso ah ku soo xiran Xeebaha Taliyaaniga.

Sharciga Cusub ayaa Qeexaya in Maraakiibta joojiyaan badbaadinta Tahriibayaasha Bada Mediterranean.

Wasiirka Arimaha Dibada Taliyaaniga Matteo Piantedosi ayaa warbaahinta u Xaqiijiyay Qorshaha Cusub ee dowlada kaga hortageyso Muhaajiriinta soo gaaraya Dalkaasi.

Bilihii ugu danbeeyay Dhoor Markab ayaa laga celiyay Dalka Taliyaaniga iyadoo Dowlada ay diiday in Muhaajiriinta gudaha u galaan Dalkaasi.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post