684 Views

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Midowga Afrika oo shaaciyey in Golaha uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida.

Guddoomiyaha Guddiga Amniga Midowga Afrika  oo  shaaciyey in Golaha uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida.
____________________________________________________________________________

April 22-2021

 Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika Ambassador Bankole Adeoye ayaa war csuub kaso saaray xaaladda Soomaaliya, isagoo shaaciyey in Golaha uu diyaar u yahay dhexdhexaadinta dhinacyada Soomaalida.

Khudbad uu ka jeediyey kulanka Golaha ka yeeshay xaaladda Soomaaliya ayuu ku sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay oo looga hadlayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

“Waxaan caddeeyay in Guddiga Midowga Afrika diyaar u yihiin inay fududeeyaan wadahadal wax ku ool ah oo dhexmara dhinacyada Soomaalida si looga gudbo is-mario waagaa siyaasadeed ee haatan jira” ayuu yiri Bankole Adeoye.

Midowga Afrika ayaa ka mid ahaa dhinacyadii Beesha Caalamka ee ka hor yimid muddo kororsigii Aqalka hoose Baarlamaanka iyo Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday, waxaana kaalinta ay qaadan doonto xilligan ay tahay mid aan kala caddeyn.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post