387 Views

R/wasaaraha somaliya Xamse oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Xukuumadda cusub

R/wasaaraha somaliya  Xamse oo maanta Baarlamaanka horgeynaya Xukuumadda cusub
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 7, 2022

Waxaa maanta oo Axad ah xarunta Villa Hargeysa kulan ku leh Xildhibaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo kalfadhi ay yeeshaan muddo kordhintii 10-ka cisho ahayd oo ay u sameyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Qoraal ay soo saareyn Guddoonka Golaha Shacab ayaa lagu sheegay in Ajendaha kulan uu yahay ansixinta xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyo Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kuwaas oo ka kooban 26 Wasiir oo leh ku-xigeeno iyo Wasiir dowle.

“Beri oo  Axad ah, taariikhdu tahay 7 August, waxaa jira kulan weynihii  Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shalay xafiiska Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya

Tallaadadii aan kasoo gudubnay ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya magacaabay Xubnaha Golaha Wasiira cusub, waxaana kasoo dhex muuqday xubno dhowr ah oo uu ku jiro Mukhtaar Rooboow, kaas oo ay si weyn warbaahinta caalamka u hadal heysay iyo tan gudaha dalka.

Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadin doonaan xubnaha Xukuumadda cusub ku jira, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sheegay in golahan uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post