1494 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo La Kulmay Bulshada Kismaayo

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo La Kulmay Bulshada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Shirkii 3-xaad ee Guddoomiyaha Aqalka sare iyo wafdigiisa ay la qaataan qaybaha kala duwan ee Jubbaland ayaa maanta ka qabsoomay guriga Martida Jubbaland,ee Magalada Kismaayo wuxuuna Guddoomiyaha la kulmay ururada bulshada rayidka ah.

Wafdiga Aqalka sare ayaa shirkii ugu horeyay la qaatay Madaxda Jubbaland sida Madaxweynah iyo ku-xigeenada, golaha Baarlamaanka iyo Wasiirada, sidoo kale wuxuu shirkii labaad la qaatay Odeyaasha dhaqanka.

Shirkaan maanta waxaa ka qeyb galay Ganacsato, Dhalinyaro, Haween Aqoonyahano iyo xubno ka socday Jaamacadaha magaalada Kismaayo, kasoo qaybgalayaasha ayaa shirka ka dhiibtay aragtidooda ku aadan xallinta khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Gudoomiayaha Aqalka Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shirkii bulshada rayidka ee maanta ka sheegay in kulamadii uu la qaatay madaxda Jubbaland iyo Saladiinta Dhaqanka in ay ahaayeen kuwo mira-dhal ah islamarkaana Jubbaland uu kala kulmay soo dhoweyn ballaaran.

Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Madaxweyne kux-igeenka labaad ee Jubbaland ayaa sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in la xalliyo khilaafaadka kasta islamarkaana ay ku qanacsan yihin dhexdhexadinta Aqalka sare ay wadaan.

Qaar kamid dadkii ka qeyb galay shirkaan ee ka socday ururada bulshada ayaa markuu soo dhamaaday waxaan wax ka weydiinay aragtidooda shirka iyo caqabadihii uu sababay khilaafka labada dhinac ayaa ku taliyey wada-hadal iyo isla xisaabtan furan lagu dhameeyo dhammaan qodobada la isku hayo.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment