72 Views

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya guutada Gorgor

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya guutada Gorgor
____________________________________________________________________________

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray cutubyo ka mid noqonaya Ciidamada Side Gaarka ah u tababaran  ee Gorgor oo ka qalin jabiyey dugsiga ciidamada ee Turksom.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu u jeediyay halyeeyadan u istaagay difaaca dalkooda, waxa uu tilmaamay in muhiimadda koowaad ay dowladdu saareyso dib u habaynta Ciidanka Qaranka oo aas-aas u ah dowladnimada dalkeenna iyo in guul deg-deg ah laga gaaro dagaalka dalka lagaga sifaynayo argagixisada.

“Deegaanno badan oo muddo dheer ay joogeen argagixisadu ayaa xor ka ah maanta. Sharafta iyo karaamada ay umadda Soomaaliyeed leedahay cidda soo celin karta waa idinka iyo kuwa idinla mid ah ee ka qalin jabiya xeeryahan”.

Cutubyada ciidamadan ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay dhoolla-tus ay ku muujinayaan tayadooda iyo tababarrada ay qaateen, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada Cutubyadan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyey nolashooda iyo tababarrada ay qaateen, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in ay safka hore ka galaan howlgallada xoreynta dalka.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga doorka ay ka qaadanayaan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post