516 Views

Mareykanka: Xukun lagu riday Nin dil iyo dhac u geystay Muwaadin Soomaaliyeed

Mareykanka: Xukun lagu riday Nin dil iyo dhac u geystay Muwaadin Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

Xafiiska Xeer ilaaliyaha dowladda Federaalka ee Mareykanka u fadhiya gobolka Minnesota ayaa Soddon (30) sanno oo xabsi ah ku xukumay nin dil iyo dhac u geystay Liibaan Baqarre. Oo kamid ahaa Soomaalida kunool Magaalada Minnesota.

Marlow Carson oo jira 31 sanno ayaa lagu xukumay 360 bilood oo xabsi ah iyo saddex sanno oo kormeero laga haynayo marka uu dhamaysto 30’sanno ee xabsiga ah isaga oo la xadidayo dhaq-dhaqaaqiisa iyo xornimada uu helayo marka uu xabsiga ka baxo oo uu wakhtiga lagu xukumay dhamaysto.

Ninkan 30 sanno ee xabsiga ah lagu xukumay ayaa bishii April 27-keeda ee sanadkii 2021-kii  dil toogasho ah u geystay Liibaan Baqarre oo joogay goob ganacsi oo ku taala Xaafada Cedar-Riverside oo ah xaafada Soomaalida ugu tiradda baddan magaaladda Minneapolis ay deggen yihiin.

Ninkan gacan ku dhiiglaha ah ayaa qirtay dilka iyo dhaca uu u geystay Allaha u naxariisto ee Liibaan Baqarre iyo goobta ganacsiga, waxaana dilkan oo aad looga argagaxay uu dhacay maalin lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post