1053 Views

Hogaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi oo xabsi lagu xukumay

Hogaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi oo xabsi lagu xukumay
____________________________________________________________________________

isniin: December 6, 2021

Hogaamiyihii hore ee Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa lagu xukumay afar sano oo xarig ah, waana markii ugu horeysay ee xukun noocan oo kale ah lagu rido.

Aung San Suu Kyi ayaa lagu helay dambi ah eedeymo kicin mucaarad iyo jebinta xeerarka Covid-19 ee hoos yimaada sharciga masiibooyinka dabiiciga ah.

Ms Suu Kyi ayaa wajaheysa 11 dacwadood oo ka dhan ah, kuwaas oo dhamaantood ay diiday.

Waxay ku jirtay xabsi guri tan iyo bishii Febraayo markaas oo millateriga ay afgambi ku sameeyeen, oo ay ku afgambiyeen dawladdii rayidka ahayd ee ay doorteen, isla markaana ay xidh-xidheen hoggaamiyeyaal badan.

Ma cadda goorta ama xilliga rasmiga ah ee Ms Suu Kyi xabsiga la dhigi doono.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post