1023 Views

Jowhar oo isu socodka xaafadaha iyo tuulooyinka qaar go’doon geliyay fatahaadda Wabiga Shabeelle

Jowhar oo  isu socodka xaafadaha iyo tuulooyinka qaar go’doon geliyay fatahaadda Wabiga Shabeelle
____________________________________________________________________________

May 9 2021

Magaalada Jowhar ee xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa isu socodka xaafadaha iyo tuulooyinka qaar go’doon geliyay fatahaadda uu ku sameeyay Wabiga Shabeelle 7-cishe ugu dambeeyay waxaa bilawday kulamo uu wado Madaxweyne Cali Guudlaawe si xal loo helo.

Cali Guudlaawe qudhiisa waxa uu Jowhar ku tagay Diyaarad nuuca qumaatiga u kaca maadaama biyaha Wabiga saameyn ku reebtay isu socodka Gaadiidka iyo Xaafadaha Qaar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada Jowhar waxa uu kala hadlay talo, tabar & taag waxa ay ku biirin karaan sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaadda joogtada ah ee saameynta ku reebtay qoysaska u badan beeraleyda.

Xaalad aad u adag ayay wajahayaan qoysaska kunool Caasimadda Hir-Shabeelle, waxa aan cod dheer ugu dalbayaa in lala soo gaaro agab ay uga gabbaadaan Roobka, dhul beereedka waxaa ka dulmaray biyaha daadka xaqiiqdii waa dhacdo xannuun badan Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Hoggaanka sare ee DG Hir-Shabeelle & Madaxda Hay’adaha Samafalka oo inta badan fadhigoodu yahay Jowhar iyo Baladweyne ayaa dhowr jeer kawada hadlay wax ka qabashada fatahaadda joogta ah ee Wabiga Shabeelle.

Bartamihii July 2020, Wabiga Shabeelle waxa uu fatahaad ka geystay Magaalooyinka Jowhar & Baladweyne sida ay diiwaangeliyeen hay’ado kala duwan waxaa guryahooda isaga barakacay qoysas badan xili lala tacaalay xakameynta Covid-19.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post