1251 Views

Kenya Oo Sheegtay Inay Ciidankeeda Oggolaanshaha Ururka Midowga Afrika Ku Joogaan Somalia

Kenya Oo Sheegtay Inay Ciidankeeda Oggolaanshaha Ururka Midowga Afrika Ku Joogaan Somalia
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 18, 2019–Iyadoo uu Khilaaf Diplomaasiyadeed ka dhex ololayo Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa waxaa soo baxayo walaac ku aadan saamaynta uu Khilaafkaasi ku yeelan doono Kumanaanka Askarta Kenya ee ku sugan qeybo ka mid ah dalka Somalia.

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Majariya Kamau ayaa sheegay inaysan wax khatar ah la kulmi doonin Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waa sida uu hadalka u yiri.

“Ciiddankeenna waxay ku shaqeynayaan Deegaan Khatar ah, wayna og yihiin sida ay naftooda u badbaadin karaan. Si katsaba ha ahaatee, Ciiddankeenna uma joogaan Somalia inay yihiin Ciiddan Kenya, balse waxay ka hoos shaqeynayaan Taliska AMISOM” ayuu yiri Majariya Kamau.

Mar wax laga weydiiyey inay Dowladda Kenya ka fekerayso inay Ciiddankeenna kala soo baxaan Somalia, haddii ay DFS codsatay inay isaga baxaan dalkooda waxa u usheegay inay ka gudbi doonaan Buundada marka arrinta meeshaasi garato iyo inay ka war dhowri doonaan xilligan.

Mar weax laga weydiiyey qaabka lagu xalin karo Khilaafka Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Kenya waxa uu sheegay inay rajeynayaan ka deris ahaan in Arrinta lagu xaliyo bannaanka Maxkmaadda ICJ, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi ka rajeynayaan DFS.

Dhinaca kale, Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Golaha Senedka Barlamaanka Somalia waxa uu ku baaqay in Xiisadda hoos loo dhigo, lana xaliyo is-afgaran-waaga ka dhex jira labada dhinac.

Wareysi uu siiyey Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi waxa uu sheegay inaysan  DFS  ka dalbanin Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka wax ansixin,  ka hor Xaraashkii Xermooyinka Shidaalka, waa sida uu hadalka u dhigay Senator Ilyaas Cali Xasan oo isaga la sheegay inuu ka mid yahay Siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment