1227 Views

Laba kamid ah Rag loo heystay dilkii guddoomiyihii degmada Hodan oo la siidaayay

Laba kamid ah Rag loo heystay dilkii guddoomiyihii degmada Hodan oo la siidaayay
____________________________________________________________________________

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa waxaa ay weli wadaa ka dhageysiga Guddigii loo xilsaaray baarista dilkii Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun loogu geystay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada ayaa sii deysay laba kamid ah Todobo Eedeysane kadib Dhageysiga Guddiga oo ay Maxkamaddu ka weyday in ay qeyb ka ahaayeen rasaastii uu ku dhintay Guddoomiyihii Degmada Hodan.

Cabdiraxmaan Isaaq Cabdullaahi & Xasan Abuukar Maxamuud “Buuqsane ayay Maxkamaddu siideysay, kuwaas oo la xiray markii uu dhacay dilka, waxaana haray 5 kamid ah dadka ku eedeysan dilka oo uu kujiro Taliyihii hore ee saldhiga Booliska degmada Howlwadaag.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Eedda kala  noqday labada ragga ah, waxaana uun codsaday in loo dhageysto Warbixin ahaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post