720 Views

Rooble oo amray ATMIS inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyoone

Rooble oo amray ATMIS inay la wareegaan amniga Teendhada Afisyoone
____________________________________________________________________________


Talaado: April 26, 2022

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu ciidamada howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ku amray inay si degdeg ah ula wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, oo berri lagu qabanayo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Rooble ayaa qoraalka ku sheegay inuu go’aankan qaatay isaga tixgelinaya “caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo” dhammeystirka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoraalka ku yiri “Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.”

Raiisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomyaha ku meel-gaarka ah ee Aqalka Hoose Cabdisalaman Dhabancad uu diyaarin doono liiska xildhibaannada galaya teendhada, liiskaas oo kadibna loo gudbin doono ciidamada Midowga Afrika.

“Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka. Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga,” ayuu yiri Rooble.

Guddoomiyaha ku meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa shalay sheegay in taliska booliiska ay ka hor istaageen inay teendhada ku dhaariyaan xidhibananada lagu soo doortay Ceelwaaq, eedayntaas oo uu beeniyey taliyaha booliiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post