825 Views

Hir-Shabeelle oo xubno ka tirsan Beesha Caalamka kala hadashay Arrimaha doorashooyinka

Hir-Shabeelle oo xubno ka tirsan Beesha Caalamka kala hadashay Arrimaha doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 30 2020—Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmahaan ku sugan magaalada muqdisho ayaa shirar waxa uu la qaatay Xubno ka tirsan Beesha Caalamka.

Wasiir Caadle ayaa la kulmay Xubno ka tirsan Midowga Yurub, iyaga oo kawada hadlay Arrimaha ay kamid yihiin howlaha doorshooyinka Maamulka Hir-Shabeelle,  daadjinta dhismaha Golaha degaanka iyo sugida  Amniga Hirshabelle.

Kulmada  oo qaatay  saacado  badan ayaa waxaa siwyen looga hadlay sida ugu wanagaasan ee  Dowladaha Caalamka  ay kaga qeyb  qaadan  karaan dadaalada  ay Wasaarada Arrimaha Gudaha ku dhiseyso dhismaha Golaha degaanka  iyo howlaha doorshooyinka sugida amniga iyo  Arimaha  Fatahaahada  ee Hir-Shabeelle.

Madax ugu  sareeya Xafiiska isku xiraha  EU ee  Soomaaliya  Dorian kivumbi  ayaa sheegay  inay  diyaar  yahiin ka qeyb qaadashada  Arrimaha doorshooyinka dhismaha Golaha degaanka iyo howlaha amaanka, asigoo Wasiir Caadle ku  boogaadiyay dadaalada  dhismaha golaha degaanka ee u kawado  degaanada Hir-Shabeelle.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle  ayaa  xubnaha EU ugu mahad celiyay Garab-istaaga  marwaliba ku bixiyaan horumarinta Hir-Shabeelle  iyo guud ahaan Soomalaiya.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in degaannada Hir-Shabeelle ay ka bilaawdaan doorashooyinka Baarlamaanka, iyada oo xulista Xildhibaannada ay taahan socdaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post