1368 Views

Booliska Britain oo bilaabay Baaritaano ku saabsan dilka Wiil Soomaali ah

Booliska Britain oo bilaabay Baaritaano ku saabsan dilka Wiil Soomaali ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 13, 2019 –Ciidamada Booliska dalka Britain ayaa bilaabay Baaritaanada dilka Wiil Soomaali ah oo lagu dilay dalkaasi maalin ka hor.

Wiilkaan ayaa lagu Magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Bashiir, islamarkaana markii ay soo gabagabeeyaan baaritaanada ay la hadli doonaan warbaahinta.

Bashiir ayaa waxaa dilay nin ay guri wada deganaayeen, waxaana uu dilkiisa u adeegsaday Toorrey xilli uu Jiifay sidda ay sheegeen Soomaalida kunool dalka Britain.

Todoobaadkii hore ayay aheyd markii wiil Soomaali lagu dilay Magaalada London, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kordhay dilalka loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment