1101 Views

Al-shabaab oo sheegatay Weerarkii Xalane lagu qaaday

Al-shabaab oo sheegatay Weerarkii Xalane lagu qaaday
____________________________________________________________________________


Arbaco March 23, 2022

  Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay maanta ku qaadeen xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka Aadan Cadde, sidoo kalena ay dagan yihiin ciidanka AMISOM.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka Marina Gate, iyaga oo qarax la beegsaday Control ku yaalla halkaas oo laga soo galo garoonka.

Iska hor imaad u dhexeeyo kooxda weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka ayaa haatan ka soconaya xarunta Eeyaha tababaran ee u shaqeeya sida askarta, kuwaas  lagu baaro  walxaha qarxa, sidoo kale wuxuu weerarku  gaaray xafiiska Toyota ee SKA.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaacisay in haatan toogasho ay ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha Soomaaliya oo ku aadan weerarkan oo dhaliyey shaki xoogan oo ku geedaaman sida loo soo abaabulay.

Xaaladda goobta ayaa aad u kacsan, waxaana isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkaasi oo weli ka socda halkaasi.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post