315 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Cali Jeyte oo ka wada hadlay howlgalladda ka socda Hiiraan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Cali Jeyte oo ka wada hadlay howlgalladda ka socda Hiiraan
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo howlo shaqo u jooga magalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu warbixiyay xaalada gobolka Hiiraan iyo dagaalaada dalka loogu xorreynaayo kooxda Al-shabaab.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiinta  ku sugan jiida hore ee dagaalka.

Sidoo kale waxa uu ammaanay Ciidanka xoogga dalka ee ku howlan sidii guud ahaan dalka looga xorreyn lahaa kooxda Al Shabaab, isagoona kula dardaarmay in la xoojiyo loona midoobo dagaalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post