1101 Views

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay In Gurigiisa Muqdisho Uusan Tegin Hal Sanno

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay In Gurigiisa Muqdisho Uusan Tegin Hal Sanno
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in uu culeys badan Galmudug ka heysto dhanka dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii xalay uu kulan la qaatay dhalinyaro dalxiis baryahan dambe ku joogay Dhuusamareeb.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Muqdisho uusan tegi muddo ku dhow hal sanno,isla markaana waxaa uu tilmaamay in Magaalada Cadaado uu diyaarad ku dulmaro,waxaana sababta uu ku sheegay inay tahay Culeyso badan oo jira

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Madaxweynaha Galmudug in dowladda Federaalka mashaariic badan ay ka dhagax dhigtay deegaanada Galmudug,isla markaana aysan dib u fulin balan qaadyadii hore ,wuxuuna Carabka ku adkeeyay inay Galmudug isku tashan doonto.

 

Sikastaba Madaxweynaha Galmudug ayaa hore u shaaciyay in Galmudug ay xiriirka u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana Madaxda sare ee mamulkaas ka dhex jira Khilaaf aad u xoogan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment