777 Views

Gudoonka Baarlamaanka oo kufsi iyo sino isku khalday, dad badanna ku galaaftay, Warbixin

____________________________________________________________________________

Waxaan dhagaystay guddoonka baarlamaanka hadalkiisii  iyo shacab badan oo il duuf ku raacay kuwaasoo  xukuumadda ama wasiiradda ku eedeeyey qodob la xiriiray kufsiga.  Qaarkood waxay gaarsiiyeen heer ay halis gelinayaan dhiigga wasiiraddii sharcigan  hor keentay baarlamaanka.Advertisement

Wixii kale ee sharciga guud ahaantiisa lagu haysto waa gaar laakiin qodabka 4aad ee qeexaya kufsiga ee uu gudoomiyaha baarlamaanka soo xigtay waxa ka muuqata inuu isku khalday laba arrin ka dibna u saariyey in qodobku sinada bannaynayo!

Qodobku wuxuu qeexayaa falka kufsiga ah oo ka kooban laba qodob; A) oo qeexaysa falka galmo noqon kara iyo b) oo sheegaya in falka hore si uu kufsi u noqdo ay tahay in qasbidi jirto. Labadaas oo la isku geeyey ayaa fal ka dhigaya kufsi oo haddii midkood maqan yahayna uusan kufsi ahayn.

Intaa markii uu aqriyey ayuu gudoomiyuhu u fasiray in haddii qasbid la waayo uusan markaa falka hore danbi noqonayn, kaas oo uu u fasirtay in qodobkani sinada ogolaanayo!! waana kala labo qeexidda Sinada iyo midda kufisiga!! Sino kastaahi kufsi maaha , Qodobkuna ma qeexayn Sinada.

Gudoomiyaha waa ay ka hoostay ama dirir bay ka ahayd. Haddii qasbid la waayo oo laba qof is ogol yihiin falku kufsi ma noqonayo ee wuxuu noqonayaa fal galmeed kale oo danbi iyo danbi la’aanba noqon kara iyadoo markaa shuruuda kale loo eegayo sida guurka iyo guur la’aan iwm.

Waxaa kaloo gudoomiyaha ka carooday erayada qaawan ee falka galmada qeexaya ee la xusay. Dhibsiga erayada la isticmaalay iyo haddii la asturi karay iyadoon hadana qeexitaanka falka danbiga noqonaya mugdi la gelinin waa arrin kale. Waxaanse fili in marka fal danbiyeed la xukminayo faahfaahin sidan kaba sii qayaxan loo degayo marka ay sharciga hor joogto. Ma ogi haddii erayo carabi ah la adeegsan karay oo astur ku ah dhaqankeena.

Sharciga waxaa ka khaldanaan kara waxyaalo badan, waana mudan tahay dadka sharci yaqaanka ah  inay aqriyaan oo turxaan bixiyaan waxaanse marna na anfacayn kays iska waaliyo waxaan la fahmin oo laga dido, ama la siyaasadeeyo tiiyo halkan lagu dhaafinayo dulmanayaal badan sharci xuquuqdooda dhawri lahaa.

Yaan is gaalaysiin lagu degdegin, wasiiradda dhiigeedana yaysan siyaasiyiin kale iyo culumo sallixin in si fudud loo daadiyo.

W/Q/ Abdullaahi Warsame   Qoraalkan waxa uu gaar u yahay Qoraha ku saxiixan

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post