882 Views

Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Xaafad Ka Tirsan Afgooye

Howlgal Dad Lagu Soo Qabtay Oo Laga Sameeyay Xaafad Ka Tirsan Afgooye
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-21–2019 —Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaas.

 

Howlgalkan ayaa sigaar ah uga dhacay Xaafadda 14-ka October, waxaana inta uu socday Ciidamada ay kusoo qabteen dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo la soo uruuriyay Guryaha ku yaalla halkaas.

 

Taliyaha Booliska Degmada Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in Ciidanka howlgalo kala duwan ay ka sameeyeen Degmada Afgooye, isla markaana ay kusoo qabteen dad badan, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in dadka la soo qabtay qaarkood ay ku jiraan kuwo looga shakiyay falal amniga darro, isla markaana haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan.

 

Howlgalkan laga sameeyay Degmada Afgooye gaar ahaan Xaafadda 14-ka October ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii xalay halkaas lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Ibraahim Maxamed, iyagoona ragii fuliyay falkaas goobta ay ugu baxsadeen Mooto nooca laba lugaaleyd ah.

 

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilkii loo geystay Nabadoon Ibraahim Maxamed, iyagoona sheegay inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya, isla markaana siweyn looga yaqaanay Degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment