1263 Views

Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin oo cambaareeyay dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay dileen

Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin oo cambaareeyay  dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay dileen
____________________________________________________________________________

May 6-2021

Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa cambaareeyay  dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen  waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.

Afhayenka ayaa sheegay in  Dowlada Israel ay sii wadaan  barakicin iyo xasuuq ay ku hayaan  dadka Falastiiniyiinta, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaheeda inay ilaalin caalami ah siiyaan dadka reer Falastiin.

Saciid Yusef Odeh oo 16-sano jir ah  ayaa lagu dilay deeegaanka Odla ee Nablus ,ka dib markii uu  iska horimaad la galay ciidanka Israel,.

Dilka wiilkaasi ayaa dhacay xilli ciidamada Israa”iil la tilmaamay in ay raadinayeen nin Falastiin ah oo maalinimadii Axadda dhaawacay 3-ka tirsan ciidamada dalkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post