633 Views

Ingiriiska:-Qoys dalbanaya in loo soo daayo wiilkooda ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar!

Ingiriiska:-Qoys dalbanaya in loo soo daayo wiilkooda ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar!
____________________________________________________________________________

Qoyska muwaadin u dhashay Ingiriiska oo labadii sano ee lasoo dhaafay ku xiran Soomaaliya ayaa soo saarey qaylo-dhaan ay ku dalbanayaan in lasoo gabagabeeyo “xarigiisa sharci daradda ah” ee wiilkooda sida ay qortay The Gruardian.
Qoyska David Taylor oo la hadlay majaladda ayaa sheegay in wiilkooda 45-sano jir ah uu wajahayo “tacadiyo bini’aadanimada ka baxsan oo ay ka midyihiin jirdil, handadaadyo dil ah iyo su’aallo waydiin cagajugleyn wehliso”.
Sida laga soo xigtay dukumiintiyo ay jariiradda soo xigatay, Taylor waxaa xadgudubyadaas u geysanaya saraakiil ka tirsan CIA-da Mareykanka oo “dano gaar ah ka dhex-arka gal-dacwadeedkiisa”.
“Markii ugu dambeysay oo ay wareystay laba sarkaal oo isku sheegtay in ay yihiin wakiilo ka socday FBI-da waxay ahayd 30-kii June, 2021 kuwaasoo su’aallo ku waydiiyey Muqdisho,” ayay raacisay warbixinta.
Qoyska ayaa sheegay in ay ka codsadeen xafiiska arrimaha dibedda ee Boqortooyada Ingiriiska in laga caawiyo, haddana aysan wax gargaar ah ka helin sida hadalka u dhigeen.
Aabahay hala soo celiyo!
Wiilka uu dhalay David Taylo, ayaa wargayska u sheegay “Waa muwaadin Ingiriis ah mana haysto wax taageero ah oo uu ka helay dalkiisa. Waa naxdin in aan ogaado in aabbahay la kulmay jirdil, su’aalo waydiin iyo hanjabaado jirdil wata runtii noloshiisa ka mid cabsi iyo walaac aad u weyn wata”.
“Waxaan wacayay xafiiska arimaha dibada maalin walba si aan uga codsado inay i caawiyaan waxaanan ka codsanayaa inay sameeyaan wax walba oo karaankooda ah si ay aabbahay ugu soo celiyaan gurigeena” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Xafiiska Arimaha Dibadda ee UK ayaa wax ka ogaa xiritaanka ninkan tan iyo bishii Abriil 2019 iyo eedeymaha jirdilka ah sida lagu sheegay warbixinta wargayska.
Haddii uusan Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK Dominic Raab soo faragalin kiiskaan, waxaa jirta khatar ah in ninkan maxkamad milatari la soo taago oo la dilo, sidaasi waxaa ku doodaya garyaqaan Fahad Ansari.
Xafiiska Arimaha Dibada ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa warbaahinta u sheegay “Waxaan isku daynay dhowr jeer inaan la xiriirno muwaadinkan Britishka ah waana sii wadeynaa”.
Sidee loo qabtey ninkaan?
Dukumiintiyada ayaa intaas ku daraya “in dhibaatooyinka sida joogtada ah uu ula kulmo David Taylor ay kamid yihiin madax biyo-u-gelin, koronto ku qabasho iyo neef ku celin si uu u ogolaado in uu la shaqeeyo CIA”.
Taylor wuxuu Soomaaliya yimid guursadeyna 2009, balse 13-kii Abriil 2019, ayaa la qabtay markii uu ugu safray Yemen isagoo goobaya caawimaad qunsuliyad si uu u beddelo baasaboorkiisa oo lumay kuna laabto London.
Waxaa la geeyay xero milatari seddex bilood ka dib, sida ku cad dukumiintiyada, “waxaa loo sheegay in qof ka socda CIA uu doonayo inuu arko “John” kaasoo ku hadlayey lahjada luuqadda English-ka ee Ameerikaanka”.
19-kii Sebtember 2019, waxaa loo soo wareejiyay Muqdisho, ka dibna waa la xiray, indhahana waa laga xiray, katiinado ayaa lagu xiray, waxaana loo kaxeeyay meel uu tuhunsan yahay inay tahay magaalada Jannaale, oo qiyaastii 60 mayl koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Soomaaliya.
Dabayaaqadii 2019, Taylor waxaa loo wareejiyay xabsiga dhexe ee Muqdisho halkaas si gaar ah qol ay ku jiraan 59 maxbuus oo kale, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Al Shabaab lehna kaliya hal musqul [suuli] sida ay warbixintu sheegtay.
Kahor inta aan loo wareejin xabsiga dhexe, shaqsiga ayaa sheegay in ay su’aalo ku weydiisay “haweeney cadaan ah” oo ku hadlaysay jahjada Maraykanka (English)oo lagu magacaabo “Roxanne”, sida ku cad dukumiinti sharci ah oo ku saabsan kiiska.
Intii su’aalaha la waydiinaayay, wuxuu ku andacooday in jirdil ay u geysteen saraakiisha Xabsiyada Soomaaliya.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka Mareykanka CIA-da oo xiriiro lala sameeyay kama aysan jawaabin codsiyo ku saabsanaa in ay caddeeyo masiirka Taylor iyo eedaha loosoo jeediyey.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post