474 Views

Dagaal ku billowday weerar madaafiic ah oo ka socda Gobolka Baay

Dagaal ku billowday weerar madaafiic ah oo ka socda Gobolka Baay
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Goordhow waxaa uu dagaal xoog leh ka billowday degmada Diinsoor ee Gobolka Baay kaas oo u dhaxeeyo ciidamo Itoobiyaan ah oo ka socda Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar madaafiic ah kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Diinsoor, sida goob joogayaal ay xaqiijieen.

Labada dhinac wuxuu haatan dagaal daqiiqado socda ku dhexmarayaa degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kaas oo lisku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan  xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post