747 Views

Dowlada UK oo u yareeysay gargaarka ay siin jireen Yemen oo colaad lix sano ka socotay ragaadisay

Dowlada UK oo u yareeysay gargaarka ay  siin jireen  Yemen oo colaad lix sano ka socotay ragaadisay
____________________________________________________________________________

 2da Maarso, 2021

Ingiriiska ayaa aad u yareeyey gargaarka uu siiyo Yemen oo colaad lix sano ka socotay ragaadisay, waxaanu arintaa ku sababeeyey in safmarka korona keenay “duruufo adag oo maaliyadeed oo dunida wada saameeyey”.

Xukuumadda Ingiriisku waxay sheegtay in ay sannadkan ugu deeqi doonto “ugu yaraan” 87 milyan oo Gini halka ay sannadkii hore ka bixisay 214 milyan oo Gini.

Hay’adaha gargaarka ayaa dhaleeceeyey arintaas. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay in yarayntaa gargaarku tahay “xukun dil ah”.

Xaaladda Yemen ka taagan ayaa lagu tilmaamay in ay tahay duruufta ugu xun dunida ee aadamenimo.

Colaaddu waxay ka bilaabtantay dalkaas dabayaaqadii 2014, waagaas oo falaago gacanta ku dhigtay inta abdan galbeedka dalka ka dibna xulufo Sucuudigu hogaaminayaa guluf ku qaaday si dalka loogu soo dabaalo xukunka Madaxweyne Cabdirabuu Mansuur Haadi.

Dad tiradooda lagu qiyaasay 20 milyan oo qof oo ah saddex meeloodow laba bulshada Yemen ayaa ku tiirsan gargaarka aadamenimo. Qiyaastii laba milyan oo caruur ahina waxay la liitaan nafaqo darro xun.

Yemen colaadda waxa u dheeri waa in uu burburay adeeggii caafimaadku, taasina keentay in dalku waxba ka qaban kari waayo safmarka fayraska korona.

Yaraynta gargaarka Ingiriisku siiyo Yemen, waxa Isniintii lagaga dhawaaqay shir ay maqal iyo muuqaal ku yeesheen dalalka deeqda bixiyaaa oo uu ka qayb galay wasiiru dawlaha arimaha Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, James Cleverly.

Wuxuu sheegay in “caqabadaha heer caalami ah ee haatan jiraa” ay sababeen “dhibaatooyinka maaliyadeed ee dhamaanteen ina saameeyey”. Gargaarku sannadihii u dambeeyey ba hoos ayuu u sii dhacayey. Safmarkuna waaba ugu sii daray oo baahidii ayaa sii badatay.

Saraakiishii Qaramada Midoobay ee madasha ka hadlay ayaa ka dardaarweriyey in hadii ay Qaramada Midoobay heli weydo odoroskeeda ah 3.85 bilyan ee doolar sannadkan 2021, in malaayiin qof oo reer Yemen ahi ay macaluuli doonaan. Ilaa haatan ma cadda inta qaadhaan la ururiyey inta ay tahay.

David Beasley oo ah agaasimaha guud ee hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo madasha ka hadlay ayaa yidhi “waxa jirta macaluul kaabiga soo saartay dalkaas”.

Antonio Guterres ayaa isna sheegay in deeqihii buurnaa ee la bixiyey suurto geliyeen in laga baaqsado macaluul dalkaa ka dhacda sannadkii 2018, laakiin “maanta gargaarka oo la yareeyaa ka dhigan yahay xukun dil ah oo dadkaa ku dhacay”.

Maraykan ka ayaa madashaa ka ballan qaaday inuu bixin doono 191 milyan oo doolar oo dheeraad ah, taas oo ka dhigaysa wadarta dhaqaalah uu sannadkan ugu deeqay Yemen 350 milyan oo doolar.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post