1284 Views

Wadamo badan oo laga la’yahay Bisha Soonfur & Wararkii u dambeeyay

Wadamo badan oo laga la’yahay Bisha Soonfur & Wararkii u dambeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 03,, 2019  –Dalal farabadan ayaa xilligaan baadi-goob waxa ay ugu jiraan Bilshada Bisha Soonfur,kuwaas oo u badan wadamada Aasiya iyo Wadanka Sacuudiga,iyada oo dadka loogu baaqay inay soo sheegaan.

 

Dalka Indonesia ayaa ka mid ah dalalka laga waayay Bisha,waxaana mas’uuliyiinta dalkaas ay ku dhawaaqeen in Maalinta berito ah ay tahay 30-ka Bisha Ramadaan,isla markaana Ramadaanka ay dhameystirayaan.

 

Wadamada laga waayay Bisha ee weli baadi goobaya ayaa waxaa ka mid ah ,Australia, Indonesia, Malaysia iyo ew Zealand,iyadoo dalalkaasi ay saacado badanka horeeyaan Geeska Afrika iyo Khaliijka oo Qoraxdu ay u hor dhacdo.

 

Maxkamada Sare ee dalka Sacuudigan waxaa ay dalbatay in cid allaala cidii aragtaa Bisha Shawaal ay soo sheegto si loo diiwaangeliyo taas oo keentay in dad badan ay baadi-goob u galaan.

 

Marka laga eego wararka ay shaaciyeen wadamo badan oo Aasia iyo Carabta ka mid ah ayaa waxaa ay noqoneysaa in Maalinta Berito ah ay tahay 30-ka Bisha Ramadaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment