1254 Views

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 14, 2019–Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Maanta waxaa  Gudaha dalkaas ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada dalkaas, xilli uu ku jiray howshiisa Shaqo.

 

Kooxda ayaa ku weerartay muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Xasan Cabdi Maxamed (Xasan Bile) Goob Ganacsi oo ku taalla Magaalada Cape Town ee Wadanka koonfur Afrika oo uu lahaa.

Kooxdii Burcada aheyd iyo muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay  in uu dhexmaray muran xoogan taas oo keentay in Burcada ay dilaan Muwaadinka Soomaaliyeed,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

 

Waa qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo lagu dilo dalka Koonfur Afrika tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadan,waxaana taasi walaac ka muujiyey qaar ka mid ah soomaalida ku Ganacsatada dalkaas.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadkan 2019 waxaa kusoii kordhaya dilalka loo geysanayo Soomaalida ku Ganacsata,waxaana weli jirin cid isku-dayday inay ka hor tagto dilalkaas ee labada dal ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment