945 Views

Milatariga Afghanistan oo ku amray dadka ku nool magaalada ku taal Koofurta dalka inay isaga baxaan

Milatariga Afghanistan oo ku amray dadka ku nool magaalada ku taal Koofurta dalka inay isaga baxaan
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Taliye sare oo ka tirsan milatariga Afghanistan ayaa ku amray dadka ku nool magaalada ku taal Koofurta dalka Afghanista ee Lashkar Gah inay isaga baxaan si halkaasi ay ciidamada Milatariga ay duqeyn iyo weeraro xoog leh uga fuliyaan kadib markii ay magaaladaas qabsadeen dagaalamayaasha Daalibaan.

Dagaal ayaa ka socda Lashkar Gah, oo ah caasimadda koonfurta gobolka Helmand, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in ugu yaraan 40 qof oo rayid ah la dilay 24 -kii saac ee la soo dhaafay.

General Sami Sadat, oo ah taliyaha 215 Maiwand Army Corps, ayaa u sheegay dadka deegaanka Talaadadii inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan.

“Fadlan sida ugu dhakhsaha badan uga bax si aan u bilawno hawlgalkeenna,” ayuu ku yiri farriin uu u diray shacabka magaalada oo la sheegay inay ku nool yihiin ilaa labo boqol oo kun oo ruux.

“Istaraatiijiyadda ciidanka Afgaanistaan ee ah in la diro ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo duqeymo cirka ah ayaa dadka rayidka ah dhibaato u geysan kara maxaa yeelay waxaan la dagaallamaynaa dariiq-ilaa-waddo iyo bambooyin xagga hawada ah meelaha dadku ku badan yahay, ”ayuu yiri sarkaalkan u hadlay ciidamada Milatariga Afghanistan.

Diyaaradaha Mareykanka iyo Afgaanistaan ayaa waxa ay duqeeyeen fariisimaha Taliban, dagaalkana uu ka socdo meel u dhow xabsiga magaalada iyo dhisme ay ku yaalliin xarunta booliiska iyo hay’adaha sirdoonka.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dagaallada ka socda magaalooyinka.

Maalmihii la soo dhaafay, milatariga Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha cirka ee dalka oo dhan si ay uga hortagaan horumarka Taliban.

Guddiga Madaxa -bannaan ee Xuquuqda Aadanaha ee Afghanistan ayaa goor sii horreysay sheegay in Taalibaan ay ku kaceen dilal aargoosi ah oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in aqoonsiga caalamiga ah ee ay doonayaan Taliban aysan suurta gal noqon doonin haddii ay raadiyaaninay dalka xoog ku qabsadaan oo ay ku kacaan falalka foosha xun ee la soo sheegay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post