273 Views

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood

Wararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay Magaalada Laas-Caanood
____________________________________________________________________________

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka halkaasi uu ka dhacay dagaal xooganaa oo u dhaxeeyay Ciidamada degaanka ee SSC iyo Ciidamada Somaliland.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Ciidamada Somaliland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada degaannada Bari iyo Galbeed ee magaalada Laas-Caanood ay weerareen Ciidamada degaanka.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray wallow aan weli la xaqiijin tirade ku waxyeeloobay dagaalka, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in hubka cul culus ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaallada Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada hoostaga. Balse dhinacyada ayaa waxaa soo gaarayay gurmadyo kala duwan oo uga imaanayay dhinaca degaannada Puntland iyo Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee duleedka magaalada Laas-Caanood ayaa sheegaya in weli rasaas goos goos ah la maqlayo , isla markaana dhinacyadu ay weli is hor-fadhiyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post