636 Views

Taalibaan oo ugu baaqday xoogagga ka soo horjeeda dooxada Panjshir ee waqooyiga Kabul – inay dhigaan hubka.

Taalibaan oo ugu baaqday xoogagga ka soo horjeeda dooxada Panjshir ee waqooyiga Kabul – inay dhigaan hubka.
____________________________________________________________________________

Khamiis: September 2, 202

 Taalibaan ayaa ugu baaqday xoogagga ka soo horjeeda dooxada Panjshir ee waqooyiga Kabul – inay dhigaan hubka.

Farriin maqal ah oo uu soo dhigay Twitter -ka, sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan Amir Khan Muttaqi, ayaa lagu sheegay in wadahadalladu ay fashilmeen wuxuuna dadka deegaanka ka codsaday inay ka dhaadhiciyaan dagaalyahannada inay hubka dhigaan.

Balse wasiirkii gaashaandhigga ee Afganistaan ee xilka laga qaaday, Bismillah Mohammadi, ayaa sheegay in weerar habeen hore lagu qaaday Panjshir la iska caabiyay, halka 34 askari looga dilay Taalibaan.

Dhowr kun oo dagaalyahanno ka soo horjeeda Taalibaan ayaa lagu soo warramayaa in ay joogaan dooxada fog ee inta ka yar 30 mayl u jirta (50km) caasimadda Kabul.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post