1368 Views

Ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgallo dad lagu qab qabtay

Ciidamada Haramcad oo sameeyay howlgallo dad lagu qab qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23da Maarso, 2021Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo dad lagu qabqabtay waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib salad Xureyste, waxaana howlgalka laga sameeyay wadooyinka & xaafadaha Magaalada Jowhar & duleedkeeda, kaas oo amniga lagu xaqiijinayay.

Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib Salaad Xureyste ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgalka mar waliba sameeyaan,sidoo kalena uusan joogsan doonin ilaa laga xaqiijiyo Amniga Magaalada Jowhar loogana hortagayo Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya dalalka Amni darro, waxaana uu Shacabka ugu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada.

Magaalada Jowhar oo ah Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay falal amni darro, hayeeshee tan iyo markii la geeyay Ciidamada Haramcad ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post