993 Views

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday baarista Askari si xun loogu dilay Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday baarista Askari si xun loogu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Guddi Wasiiro iyo Saraakiil Amni isugu jiray oo uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay baarista dil dhowaan loo geystay askari ka tirsanaa ciidan Qaranka ayaa maanta la kulmay eheladda marxuumka.

Guddiga  loo xilsaaray baarista kiiskan waxa ka mid ah wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Alcadaalada, Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaadiidka Xirsi Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Benaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud  Qaroole.

Mas’uuliyiint ayaa si degan u dhageystay cabashada ehelada marxuum Maxamed Mukhtaar Sheikh Maxamed Ciroobe iyagoo ehelada ka balan qaaday in dhacdadan oo ka hor imaanaysa Qaranimadda iyo Insaanimadaba ay si mas’uuliyad leh u baari doonaan.

Askariga ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa dhawaan meydkiisa oo lagu riday God qashin waxaa laga helay meel u dhow Iskuul Bulusiya ee magaalada Muqdisho, taasi oo walaac badan laga muujiyay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post