3414 Views

“Mooshinka waa Cadeynta Xasaanada ay leeyihiin Xildhibaanada”

“Mooshinka waa Cadeynta Xasaanada ay leeyihiin Xildhibaanada”
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 February, 2016: Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Xildhibaanad ka tirsan Baarlamaanka, ayaa faah faahin ka bixiyay mooshin ay gudbiyeen Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ah soo jeedin ku saabsan cadeynta Xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegtay in Khudbadii Madaxweynaha uu ka jeediyay maalintii Axadii ay aheyd mid dhiilo xambaarsan, isla markaana ku saabsaneyn in baaritaanka laga bilaabo Mas’uuliyiinta, iyagoo kabaha iyo suunka laga siibayo.

“Aniga waxaa ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka geeyay, mooshinka aan geynay kuma socdo Madaxweynaha, waa Cadeyn xasaanada Xildhibaanada, maalintii uu Madaxweynaha khudbada dhinacyo badan taabaneysay ka jeedinayay ayaa diyaarinay, waxaana nooga muuqday inay dhiilo xambaarsaneyd”ayay tiri Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Mar qaadatay qaraxii Diyaaradda Daallo Airline iyo khudbadii uu Madaxweynaha kaga hadlay arrintaas ayaa waxay tiri “Waxaa soo baxday arrin dhiilo xambaarsan, maadaama arrin dastuuri ah lagu xadgudubay oo ah in Xildhibaanada aan oogadiisa qof ahaan la baari karin, sida dastuurka qabo, markuu Madaxweynaha ka hadlayay xaalada garoonka ayaa waxaa soo baxeysa in wasiirada iyo xildhibaanada anaga waxaa noola muuqatay in ay maadaama warbixinta tifaftirneyn in mas’uuliyiinta ka mid ahaayeen falalkaas dhacay”

Waxaa ay sheegtay qaraxyo horay dalka uga dhacay in aanay dhicin in warbixin laga siiyo, balse arrin dastuur ah lagu hadlay, sida ay tiri Markii uu Madaxweynaha ka hadlayay arrinta ammaanka.

“Sifo kasta oo Amniga loo adkeynayo waa laguma xadgudbaan xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka sida uu qeexayo dastuurka waxaa ku dalbanay in si deb ah loo horkeeno, dabcan dhiiladaas uu Madaxweynaha ka hadlayay waxay nooga soo dhex baxday Guddiga amniga qaranka warbixintooda ku saabsan baaristii qaraxii ka dhacay diyaarada in la tuhunsan yahay Mas’uuliyiinta, sidaas daraadeed waxaa u yeeranay Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga, Cadaalada iyo Taliyeyaasha ciidamada inay hor-yimaadaan, iyadoo la cadeynayo xasaanada ay leeyihiin Xildhibaanada”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xildhibaanad Khadiijo ayaa xustay in aan loo baahneyn in shacabka Soomaaliyeed laga marin habaabiyo ku dhaqanka shuruucda, isla markaana la abaaro wixii meesha ka dhacay, iyadoo tilmaamtay in aan la isku qaldin in la hareer maro arrin dastuuri ah.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu soo bandhigi doono mooshinkan laga keenay Hadalkii Madaxweynaha ee dhaliyay dhiilada iyo in lagu xadgudbo xasaanada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Weli ma cada ujeedada Mooshinka Barlamaanka iyo cida la keenay. Arrinta ayaa u eeg “Nin Bukoow Boqoli kuu Talisay”. Waxaa muuqato in Barlamaanka qudhisu wareersanyahay oo mudanayaashu waqti ku luminayaan howlo an Qaranka dan ugu jirin.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment