3156 Views

Baarlamaanka oo war murtiyeed ka soo saaraya natiijadii kulamadii Amniga

Baarlamaanka oo war murtiyeed ka soo saaraya natiijadii kulamadii Amniga
____________________________________________________________________________

Muqdisho,4 March 2016: Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Sabti ah lagu wadaa inuu War murtiyeed ka soo saaro kulamadii Amniga looga hadlayay, kaasoo labadii maalmood ee la soo dhaafay su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.

Shirarkaan oo ahaa kuwo albaabada u xirnaa, isla markaana saacado qaatay ayaa maalmihii Arbacadii iyo Khamiistii dhacay, waxaana banaanka ka joogay Warbaahinta oo cod loo qaaday 74 ka mid ah Xildhibaanada ay u codeeyeen in dibada loo saaro, markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday.

In ka badan 50 Xildhibaan oo is qoray maalintii Arbacadii ayaa su’aalo ku qotomay dhinaca amniga weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiinta Amniga.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa su’aalo adag oo xasaasi ah weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugida, waxaana inta badan su’aalo weydiinta ay aheyd arrimaha ammaanka, gaar ahaan weeraradii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegay in Laamaha ammaanka ay ku fashilmeen wax ka qabashada xaalada amniga, sidaas darteed loo baahan yahay inay is casilaan.

Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay ka sugayaan inuu sameeyo is bedel, isla markaana loo baahan yahay in si ficil ah u bedel, hadaladii uu ka sheegay kulanka Baarlamaanka oo ku saabsanaa talooyinkii dhinaca ammaanka.

Lama yaqaan natiijada ay noqon doonto war murtiyeedka ka soo bixi doona Guddoonka Baarlamaanka ee ku aadan kulamadii Amniga looga hadlayay, waxaana la filayaa in Guddoonku uu kulamo la qaato Guddoomiyeyaasha Guddiyada joogtada Baarlamaanka ka hor inta aan la soo saarin war murtiyeedka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment