786 Views

Ethiopia “ Mekelle Maalmo Gudahood ayaan ku Qabsan Doonnaa

Ethiopia “  Mekelle Maalmo Gudahood ayaan ku Qabsan Doonnaa
____________________________________________________________________________

Militariga Ethiopia ayaa goor danbe oo Jimcihii ah sheegay in ciidamada dalkaasi ay maalmaha soo socda la wareegi doonaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, maalin ka dib markii uu ra’iisul wasaaraha dalkaasi ku dhawaaqay “wejigii ugu dambeeyay” ee gulufka dagaal ee ka dhan ah gobolkaasi.

Ciidamada federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta Wikro, oo ah magaalo 50 KM dhanka waqooyi ka xigta Mekelle, waxa ayna “maalmo gudahood maamuli doonaan Mekelle,” ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay Gaashaanle dhexe Xassan Ibrahim. Waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladdu ay sidoo kale la wareegeen magaalooyin kale oo dhowr ah.

Sheegashooyinka dhinacyada muddada saddex toddobaad ah uu dagaalku u dhexeeyo ee ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF ayaa ah wax aaney macquul aheyn in la xaqiijiyo sababtoo ah waxaa gobolka ka go’an taleefannada iyo qadka internetka.

Fiidnimadii Jimcaha, “shanqar weyn, oo qarax” ayaa laga maqlay magaalada Asmara ee dalka deriska ah ee Eritrea, safaaradda Mareykanka ee halkaas ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay maanta oo Sabti ah.

TPLF ayaa weerar gaantaalo ah ku qaadday dalka deriska ah ee Eritrea 14-kii November.

Milatariga Ethiopia ayaa dagaal kula jira xoogagga maxalliga ah ee kacdoonka ka wada gobolka woqooyi ee Tigray, oo xuduud la leh Eretria iyo Sudan.

Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay in ay dhinteen, waxaana jira burbur baahsan oo ka dhashay duqeymaha xagga cirka ah iyo dagaallada dhulka ee u dhexeeya labada dhinac. Qiyaastii 43,000 oo qof ayaa u qaxay dalka Sudan.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa ku eedeeyay hogaamiyaasha Tigreega in ay bilaabeen dagaalka ka dib markii ay 4-tii November weerareen saldhig ay ciidamada federaalku ku leeyihiin gobolka Tigray. TPLF ayaa sheegtay in weerarka uu ahaa mid ay isku difaaceysay.

Dowladda ayaa Axaddii la soo dhaafay 72 saacadood u qabatay in kooxda TPLF ay hubka ku dhigaan ama ay la kulmi doonaan weerarro ka dhan ah magaalada Mekelle, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof. Waqtigaasi loo qabtay ee 72 saac ah ayaa ku ekkaa Arbacadii.

Abiy, oo Khamiistii ku dhawaaqay in militariga uu bilaabayo “wajiga ugu dambeeya” ee duullaanka gobolka Tigray, ayaa Jimcihii u sheegay ergo nabadeed oo ka socda Midowga Africa in dowladdiisu ay ilaalin doonto dadka shacabka ah ee gobolka Tigray.

Laakiin warsaxaafadeed kulanka ka dib ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan lagu xusin in dowladdu ay wadahadal kala yeelaneyso TPLF sidii colaadda loo soo afjari lahaa.

REUTERS

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post